Taoiseach Leo Varadkar waxa uu hadiyadda shamrock bowl ee dhaqanka u ah dadka reer ireland gudoonsiyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
Taoiseach Leo Varadkar waxa uu hadiyadda shamrock bowl ee dhaqanka u ah dadka reer ireland gudoonsiyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump taas oo sanad walba xaflad waqtigan oo kale la qabto uu raysal wasaaraha ireland guriga cad (White House)ku gudoonsiiyo geedkan Madaxweynaha Maraykanka .
Xafladdan oo ka dhacday guriga cad (White House) ayaa taoiseach yidhi dawladda irishku waxa ay sii wadi doontaa in ay la shaqeyso maamulka trump si xal loo helo arrinta irishka bilaa waraaqaha ah ee dalkaasi maraykanka ku cadilan, waxa uu intaasi ku daray in ay dawladu ay diyaar u tahay in ay arrintaa dadaal badan galin doonto dhamaystirkeeda.
Mr varadkar waxa uu yidhi , maraykaku waxa uu caawiyay oo uu dhisay ireland-ta casriga ah,waana taas ah meel barwaaqo ah oo nabada,waanan ku kalsoonahay meesha aanu aduunka kaga nool nahay,
Mr Trump waxa uu u sheegay wariyayaasha in Taoiseach uu qabtay hawl weyn isagoo ku salaamaya dibada guriga cad ee maraykanka White House oo fiidkii maanta uu ku soo bandhigayey geedka bowl ,
More information click this links –Sources–https://www.rte.ie/news/world/2018/0315/947721-trump-varadkar-leo/