Seminar ku saabsan Somalia oo ay qabatay Wasaaradda Arrimaha dibada Irish-ku

Seminar ku saabsan Somalia oo ay qabatay Wasaaradda Arrimaha dibada Irish-ku gaar ahaan Qaybta Afrika,

 

Seminarkaa oo ay dawladda ireland uga golahayd in ay ku sii wado taageeradda ay siiso Somalia waxa ka soo qayb-galay dhamaan daneyayaasha somalida oo ay ugu horeyaan Ergayga Gaarka ah ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Meachil keating iyo dublamasiyiin somali ah iyo Irish waxa kale oo ku jiray haayadda Caawimadda Irishka Ee Irish Aid oo door ku lahayd,

 

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibada Irishka, Niall Burgess ayaa sheegay in falanqayntii somalia  ahayd  (Tijaabo geesinimo oo Siyaasadeed), tani waa raadka Ireland iyo doorka Ireland  inkastoo ay jiraan caqabado waaweyna maanta, hadana waxa jira sababo xaqiiq oo xagga wanaagsan ah. ayuu yidhi Niall Burgess..

Ka soo qayb-galayaashu waxa ay ku dheeradeen taageeradda haweenka somalia iyo sida aan loo ilaawi kari doorka muhiimka ah ee nabada iyo xillinta khilaafadka ,

Mr keatin oo ah wakiilaka Xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in aan haweenka somalia loola dhaqmin  dhibanayaal, ww haweenka loola dhaqmo hogaamiyayaal iyo wado xaajoodayaal  marka ay xaaladdu adagtahay natiijadeedu,

 

Waxa halkaa iyaduna ka hadashay Ifrah ahmed  oo ah Hogaamiyaha caalamiga ah ee dunida ee la dagaalanka Gudniinka fircooniga ah . oo tilmaantay Muhiimadda ay somalia u leeyahiin qurba jooga kuwaas oo ku lug leh isbadalka somalia , waxa ay Ifrah wadashaqeyn la leedahay haweenka irishka ah ee  ku jira cidhibtirka ama dhamaystirka FGM ee dunida,

________________________________________________________________

Discussing Somalia’s “brave political experiment”, Ireland’s footprint and Ireland’s role today with , , & . Real grounds for optimism despite enormous challenges.

_________________________________________________

Participants reminding us about the contribution of women in and not to forget their crucial role in peace and conflict resolution ,
————————————————————————————
 Abdiaziz Mussa
Somaliradio

About The Author