McDonald Oo xillka kala wareegtay Gerry Adams Madaxweynaha Sinn Féin
Mary Lou McDonald ayaa si dadban loogu doortay Madaxweynaha Sinn Féin,Ms McDonald waxa si dadban loogu doortay shirweynaha gaarka ah ee xisbiga galabnimada maalinta 10.2.2018 ergooyin ka badan 1500 oo xisbiga golahiisa dhexe ah ayaa doortay Mary,
Waa Tuma Mary lau Mcdonald? Mary Lou McDonald waa halgamaa Siyaasiyadd Irish ah oo caan ka ah Xisbiga Sinn Fein waana Xildhibaan Dublin laga Soo doorto ..waana Gabadh Hadal cadcad oo xirfad u leh hadalka fagaarayaasha la isku dhaafsado.
Mary Lou McDonald waa hooyo laba caruura leh oo badhtamaha dublin laga soo dooranayey ilaa 2011. Markii hore waxa ay ku jirtay xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Fianna Fail dabayaaqadii 1990 laakiin way ka tagatay markii ay ka arki wayday Mabda Jamhuuriga ,intaan loo dooran Golaha barlamanka Irishka ee Dail waxa ay noqotay Xubin ka tirsan Baarlamanka Yurub MEP. oo laga soo doorto Dublin 2004,
Ms McDonald waxa ay ka qaadi doontaa xisbiga halka uu maanta Joogo, Gerry Adams oo 34 sano in ka badan ayuu hogaanka hayey.
Ms McDonald waxa ay sheegtay in ay kor u qaadi doonto wada hadalkii Awood qaybisiga runta ah ee Northern Ireland,
waxa ay tidhi waa dhamaaday dagaalkii, mana jiro qiimo lagu soo jiidanay Ciyaar eeded,mana doonayno inaan Ogolano wixii tagay ,waxanu ogolnahay inaanay soo nqon wixii tagay,, waxanu karnaa ogolaansha ama diidmo . waxa ay sheegtay in bog cusubi u furmay jamhuuriyadda Ireland,Michelle O’Neill ayaa iyana loo doortay Hogaaminta Sinn fein waxaana ay hogaamin doontaa sinn feinta Northern Ireland,
MS O.neil- sinn feinta Northern Ireland,