Warbixin iscasilaada Hogaamiyaha Dunida caanka ka ah ee Irishka Ee Xisbiga Sinn Fein Gerry Adams
- Iscasilaadda Hogaamiyaha Dunida caanka ka ah ee Irishka Ee Xisbiga Sinn Fein
Gerry Adams waxa inoo diyaariyay Abdiaziz mussa
in ka badan 50 sanadood muddo laga joogo Gerry Adams waxa uu ku biiray Ururkii Rayidka ahaa ee xuquuqda Waqooyiga Ireland u doodi jiray(the Northern Ireland Civil Rights Association) isagoo cadhaysan oo 19 jir ah ayuu xubin ka noqoday Ururkaasi waxaanu maalinta sabtida oo bari ah 10,02.2018 , ayuu Adams ka fadhiisanayaa Madaxweynaha Xisbiga weyn ee ka jira labada dal ee Ireland iyo UK ee SINN Fein oo 35 sano uu hogaamiye ka ahaa,
Gerry’ Adams waxa uu dhashay 6 October 1948 Magaaladda Belfast ee Caasimadda North Ireland, Waa Siyaasi Irish ah ,waana madaxweynaha xisbiga siyaasiga ah ee Sinn Fein kaas oo doonaya in Waqooyiga ireland ku biirto jamhuuriyadda ireland , waxaanu xubin ka yaha golaha waqooyiga ireland ee ka dhisan belfast waana xubin ka mida baarlamanka britain ee belfast galbeedkeeda laga soo doorto,mana tago baarlamanka ingriiska maxaa yeelay ma aaminsana in ay britain maamusho waqooyiga Ireland waxaana loogu yeedha afka Ingriisiga Abstensionism, oo soomali ku macnayn karno (xubin la soo doortay oo ka maqan fadhiyadda Barlamanka),
Adams waxa uu ahaan jiray afhayeenka dhaqdhaqaaqii Irishka Jamhuuriga ee loo yaqaanay “Provisional movement” oo ay ku jirtay Sinn Fein iyo Provisional Irish Republican Army (PIRA) iyaddoo IRA ay ahayd sharci daro dalka ingriiska UK iyo Jamhuuriyadda Ireland maxaa yeelay waxa ay ahaayeen Koox Argagixso oo rabshado ka wada waqooyiga Ireland sida ay ku fasirtayUK, adamas inkastoo loo maleeyay in uu ku qanciyay IRA in ay joojiyaan dagaalkii ka dhanka ahaa UK, kuna soo noqodaan horumarinta dawladda waqooyiga ireland ,
ayaa dhamaadkii 1980-kii adams ayuu noqoday qofka ugu muhiimsan geedi socodka nabada waqooyiga ireland ka dib markii uu la kulmay hogaamiyaha xisbiga SDLP (Social Democratic and Labour Party’s) Hogaamiye Mr John Hume ka dibna uu la kulmay Dawladda Irishka iyo Britain, iyo xisbiayda labadaasi dal, 1995 IRA waxa ay joojisay dagaalkii 2005 IRA waxa ay tidhi waa dhamaaday dagaalkii,
69 jirkani waxa uu ku wareejin doona Madaxweynaha cusub ee xisbigu doortay Haweenayda Mary lou Mcdonald, dadka ka faalooda Adams ayaa yidhaahda waxa uu ahaa Geesi Nabad sameya ah Peacemaker) waxa uu ahaa xubin firfircoon oo xoog ku wada wax kasta oo calaamada jamhuuriga iyo bulshadu leedahay, waxa uu ahaa nin gudbiya xuquuqda rayidka iyo sinaanta waxa uu ahaa nin nashqadeeya siyaasada iyo gudbinteedaba taas oo laga dheehan karo xisbigiisa waana xisbiga ugu weyn ee wadaniga ah ee jasiiradda irleand oo dhan, waa waqooyi iyo koonfur bada iyo bariga ee Irish sea,
inkastoo ayna is badalin cambareyntii IRA ee rabshadaha Waqooyiga Ireland ka jiray oo ay ku cambaryn jireen Gerry Adams in uu ka mid ahaa kooxda IRA, ayaa qoraaga fergal keane uu leeyahay wali ismay badalin Aragtida aragagixii iyo dhibkii ay horseeden IRA ee lagu cambareyn jiray Adams, ayaa macnaweyna dadka ku nool xadka koonfurta Ee Ireland leeyahiin jeclow ama ha jeclaan Adams waxa uu dhaxal-gal saameyn leh kaga tagay taariikhda irishka taas oo qof walba saameynaysa,
Ragg iyo dumar badan oo Irish ahi waxa ay Aaminsan yahiin in Adams sameyay safarkii ka yimid dhiiga ee u jihiysta in warqad lagu dhiiban karo sanduuq uu sameyay Adams taariikhdiisa danbe ee la qoray ayaa loogu yeedhaa in la filayo in uu aad u yahay mid naxariis badan Gerry Adams markii horaba,
dabayaaqadii 1960kii ololahii xuquuda rayidka ee ka bilaabmay waqooyiga Ireland si ay u helaan la dhaqan xuquuq siman dadka roman catholics-ka ee Adamas u aha axubin u dhaqdhaqaada ayaa ku biiray ururkaa the Northern Ireland Civil Rights Association 1967 halkaas oo hogaamiyaayaashii ku badaleen dhaqdhaqaaqii Doonista xuquuqda rayidka mid mudaharaad lagaga hor yimaado kuwa loogu yeedho loyalist ee Waqooyiga Ireland 1969 waxa jiray rabshado hadheeyay magaalooyinka waqooyiga gaar ahaan Belfast iyo Derry, dawladda waqooyiga Ireland waxa ay waydiisatay ciidamo dawladda britain si ay u maamusho rabashadahaasi
tani waxa ay timi ka dib markii IRA iyo siyaasiyiinta Sinn fein ay dib u bilaabeen dagaal uu Adams ka ahaa mid firfircoon oo Sinn fein ka mid ahayd,1970 ayaa dhaqdhaqaaqa Jamhuuriga ee loo yaqaan IRA iyo kuwa nabada raba ee siyaasiyiinta ay dooneen in UK ay ka baxdo in ay maamusho Waqooyiga Ireland, waxaana dhacday in laba loo qaybsamo qolo ka dib marii ay diideen in dagaal wax lagu doono kumaas oo daganaa Dublin iyo halka kuwa uu hogaaminayo Adams oo dagan belfast ay dooneen in dagaal lagag saaro UK Waqooyiga Ireland sidaana lagu mideeyo jasiiradda, taas oo keentay in Adams la xidho March 1972 rabashadahii bilaabmay. .1971-1972 , laakiin waa la sii daayey June si uu uga qayb-qaato wadahadaladda loo yaqaan secret talks in London. dib ayaa loo xidhay markii ay guul-daraysteen wada hadaladu July 1973 ka dib waa la sii daayey muddo yar ka dib jeelka loo yaqaanay Maze Prison.
In 1983 waxa loo doortay Hogaamiyaha Sinn Féin ,waxaanu noqoday Xildhibaan Sinn Féin MP oo la soo doortay oo ka tirsan the British House of Commons ilaa 1950kii. wixii ka danbeeyay intaas doorashadii (Xildhibaan ee Galbeedka Belfast West) waxa ay ka qaaday dawladdu mabnuucida safaradda britain,
waxaanu diiday in uu fadhiisto guriga la yidhaa the House of Commons.
14 March 1984, Adams waxa si xun loogu dhaawacay shirqool la isku dayey in lagu khaarajiyo oo ay ka danbeyeen kuwa ka soo horjeeda EE Ulster Freedom Fighters, halkaas oo nin hubaysani 20 xabadood ku dhuftay gaadhi uu saarnaa kaas oo u safraayey waqooyiga Ireland, waxaanu werarakaa Adams ku eedayay dawladda Ingriiska in ay wax ka ogayd, Adams waxa uu maalinta bari ah wareejinayaa xillkaasi 35 sano ka dib.