Dawladda Ireland oo Noqotay wadankii u horeyay ee Midowga Yurub ah ee qaada Talaabadii u horeysay ee ay kaga Jawaabayaan Abaarta Somalia

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda  Ireland  

 

Dawladda Ireland oo  Noqotay wadankii u horeyay ee Midowga  Yurub ah ee  qaada Talaabadii u horeysay ee ay kaga Jawaabayaan  Abaarta  Somalia

 

100 tone oo mucaanio binadanimo ah ayey Ireland maanta u Duulisay Somalia  mucaawinadaas oo ka shiraaqatay Dubia UAE.. sidaa waxa yidhi wasiirka Arrimaha dibada iyo Ganacsiga Ee Ireland  Mr  Charles Flanagan oo saaka warkan siiyay  Saxaafadda,

 

 

Dawladda Ireland waxa ay walaac ka qabtaa 6 million oo Somalia oo hadda u baahan mucaawino dagdag ah sida lagu xusay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ireland oo uu ku saxeexan yahay wasiirka Arrimaha dibadda Ee Ireland .kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay somali radio oo saldhigeedu yahay  Ireland.

 

Wasaaraddu waxa ay tidhi  waxaan ka  walaacsan nahay  3 million oo qof oo wajahay xaaladd xun oo cunto yaraan ah  oo dagdaga  loogu baahan yahay in wax laga qabto,waa muhiim in xaaladan  khatarteeda  sababi karto abaar isku badasha Macluul  taas oo  keenta dhimasho,  tani maaha wax fudud oo badi dunideenu  inteeda badan   aqbali karto

 

Waxa jira Somalia warar la mida xaaladdan taas oo u hogaamin karta abaartii ugu xumayd ee qarniga 21 dhacda  sidaynu la socono 2011  sadex meelood hal million oo Somalia ayaa wajahay abaarta noocan ah,  in ka badan afar meelood meel hal million oo qof waa waayeen noloshoodii (dhinteen).   sidoo kale in ka badan oo kale ayaa u baahan caawimaad dagdaga ah iyadoo  beesha caalamka looga baahan yahay in ay ka hor tagto masiibo sanadkan dhacda .. waxaanu qaadaynaa Talaabo aanu ku badbadinayno nolosha dadkaasi ayuu yidhi wasiirku,

 

4000 oo qof ayaa Macluul uga Bara kacay dalka lixdii bilood ee u danbeeyay  abaartan dabada dheeratay  waxay ay nolol xumo biday iyo gaajo  ba,an  dadkaasi , wasiirku waxa uu intaa ku daray in ay dadku  iskugu  imanayaan  si dad-ban meelo ay dagaan.  iyagoo waxba haysan ama waxa ay la soo galayaan waxa ay xambaarsan yahiin oo kaliya , inta badan waxa ay soconayaan masaafo dheer si ay u gaadhan kaamam ay rajeynayaan in ay ka helaan wax caawimo ah ,

Ireland manta waxa ay ku dhawaaqaysaa mucaawino si dagdaga ay ugu   qaybiso  ,   kuwa dagdaga  ugu baahan caawintan oo gaadhaya 4000 (afarkun ) oo Bara kacayaal qoysas ah,

Maanta Ireland waxa ay u diraysaa Duulimaad qiimahiisu dhan yahay €600,000 taas oo ka imanaysa  Qaybta ka jawaabista  binaaadanimo ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexyasaa ku leedahay  Dubai halkaaso oo Irish Aid ku meeleyeen qabinta Gargaarka dagdag ah ee loo isticmaalo binadanimadda iyo dhibaatooyinka ee ay Ireland ugu talo-gashay  sida dagdag ah in ay kaga jawaabto

 Gargaarkan la qaybinayo waxa ku jira Bustayaal Jiri kaano ,qalabka Cuntada lag karsado iyo kit qoysasku wax ku nadiifsadaan  , Shiraacyo iyo laambado ku shaqeya cadceeda

 Maanta oo Arbaca ah waxa ka dagi doona laba lowdh Mogdishu jimcahana waxa ay Haaydda  Concern Worldwide u qaybin doontaa 4000 oo ah qoysaska ugu nugul ee ku  bara kacay abaarta iyo macluusha ba,an ee sida ba,an u dagay meelaha dadban ee magaalooyinka muqdisho iyo baydhabo,  iyadoo la sii marin doono Afgooye   kuwaas oo ku xidhiidhsan Waqooyi galbeed ee Muqdisho

 

Bishii u danbeysay Ireland waxa ay ku dhawaaqday in €11 million oo binadanimo kula tacaasho qulqulatooyinka geeska afrika ka jira iyadoo €3 million oo ka mida ugu yaboohday Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa in somalia  Arrimaha binadanimo lagula  tacaalo, kuwaas  oo aanu ku caawinay kuwa  aanu wada shaqeynta leenahay ee bixiya badbadada nolosha iyo taageerida kuwa aadka ugu baahan iyo kuwa khatarta ugu jir abaarta ee wadanka

 Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiir dawlaha Arriamaha Dibadda   McHugh  oo intaa ku daray,

Saxariirka xaaladda Abaareed ee ka sii socota Qaybo badan oo ka mida Somalia waxa u raacday Faqiirnimo iyo roob yaraan ka jirtay labadii sano ee u danbeeyay , waa saamayntii ugu xumayd ee Aagaasi ka dhacda ,roob la,aantu waxa ay burburisay midhahii waxayna dishay xoolahii bulshooyinkana waxa ay si xooga ku gadeen ama iibiyeen dadku  Hantidoodii iyo in ay amaahdaan cunto ay ku sii nooladan

Haddii ay iman waayaan Xilliyadan roobab ku  bilaabo mayaan ee  April ilaa june sida aynu la socono saadashu waa hoosaysaa tani waxa ay sababaysaa  xaalad xun oo macluuleed waxaana halkaasi ka dhici doona Barakac ,

Xaalada gaar ahaan ee caruurtu  ayaa lagu soo waramayaa in 36,000 oo somali caruura ay Qarka u Saaran yahiin Xaaladd Dhimasho,  kuwa  o ka yar da,da shanta sano ah ,  ayey  si b a,an u haysa Macluuli,

Waxaan si Dagdag ah uga Codsanaynaa in la bixiyo  hoyga dagdag ah iyo adeegyada asaasiga ah  ee qoysasku ay la guuri karaan , Ireland iyadoo  si dagdag ah uga jawaabaysa Arrintaa waxa ay u marinaysaa  Haayadaha la Shaqeya ee Ay Aaminsantahay ,  waxayna sii wadi doontaa in ay si dhow dusha ugala  socota  xaaladda,

Web Editor Translated into somali     Abdiaziz A Mussa -Ireland 

00353834825523

Abdiaziz2@gmail.com

Dhamaad

Sources- https://www.dfa.ie/news-and-media/press-releases/press-release-archive/2017/april/ireland-airlift-humanitarian-somalia/

12 April 2017

About The Author