Ronald McNair wuxuu ahaa cirbixiyeen reer Maraykan ah oo noqday

0

Ronald McNair wuxuu ahaa cirbixiyeen reer Maraykan ah oo noqday qofkii labaad ee madow ah ee hawada sare u baxa (kii kowaad ee Guion Stewart Bluford). Laakiin sahal ku ma uu dhalinin.

Isaga oo sagaal jir ah, sannaddii 1959, ayuu booqday magtabadda dadweynaha ee magaaladiisa Lake City ee gobolka South Carolina si uu uga soo eegto buugagga sayniska oo uu iska jeclaa. Balse waxa loo sheegay in aan halkan laga oggolayn; waa magtabad caddaan, dadka dubka madowna u ma bannaana in ay ka soo ag dhawaadaan aagagga caddaanka. Laakiin buug uun baan rabaa, iyo bilayska oo loo wacay ayaa is xigay. Hooyadii oo werwersan ayaa ugu timi oo ka bariday inantii magtabadda haysay iyo sarkaalkii bilayskaba in inanka yar buugga yar loo daayo, sidiisa isaga oo ahna uu soo celin doono. Waa looga dhaartay. Aakhirkii se waa loo oggolaaday markii uu ka tegi waayay.

Soddon sannadood oo wax dhiman ka dib, sannaddii 1986, McNair waa cirbixiyeen ku sugan hawada sare oo ka tirsan haayadda NASA. Balse nasiibdarro cirmareenkii (spacecraft) ay wateen ayaa qarxaya oo 25 uu ku jiraa ay ku dhimanayaan isla sannaddaa.

Si loo maamuuso, magtabaddii buugga u diidday ayaa isaga loogu magacdarayaa oo maantaba ah Xarunta Taariikh-nololeedda Ronald E. McNair ee City Lake.

Waxaan ka bartay in aanad gardarrada isu dhiibin, kana hadhin wixii maankaagu janto ee hagaagsan.

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *