Jamhuuriyadda Ireland ayaa Maalinta bari ah oo bishu 26/10/2018 dooran doonta Madaxweyne
Jamhuuriyadda Ireland ayaa Maalinta bari ah oo bishu tahay 26/10/2018 dooran doonta Madaxweyne 7 sano ee soo socda xillka hayn doona , Waxaana u tartamaya dhow xubnood oo uu ugu cadcadyahay Madaxweynaha Taladda Haya Michael D. Higgins..kaas oo labada xisbi ee ugu waaweyn jamhuuriyadda Irishka waa Fine Gael Party , iyo Fianna Fáil party oo haysta Aqlabiyadda Kuraasta Baarlamanku ay Taageereen Madaxweynaha in uu xillka hayo 7 sano oo soo socoda laakiin waxa loo qaadayaa afti dadweyne oo waxa la tartamayaa dhowr xubnood oo ka soo jeeda Asxaabta laga tirada badan yahay iyo kuwa madaxbanaan , waa tan taariikhda Madaxweyne Michael D. Higgins. waxa kale ee dhinaca socoda afti loo qaadayo qodob ku jira Dastuurka in laga saaro ama la daayo oo ah in waxlaga sheegi karo iyo in kale Diinta maadama dalkan diinta Katoliga lagag dhaqami jiray oo ay danbi ahayd . ..