Shacbiga Reer Ireland oo Kala dooranaya In la dabciyo sharciga ilmo iska Soo tuurista iyo In uu sii jiro Sharciga adkaynayaa
Maanta oo jimca ah bishuna tahay 25 May 2018 dadweynaha Jamhuuriyadda Ireland waxa ay u dareerayaan in ay kala doortaan in wax laga badalo sharciga adkaynaya in ilama la iska soo tuuro haddii sababo jiraan, oo ah (yes) iyo in sharcigaa adag uu sii jiro oo si sahlan aan ilmaha la iskaga soo tuurayn, oo ah (no) kaas oo wax ka badalkiisu uu sheegayo dastuurka jamhuuriyadda Irishka, ,
sharcigan haddii haa Yes lagu meel mariyo waxa ay noqon doontaa in la dabciyo sharcigii adkaa kaas oo u sahalay in si sharciya qofku uu u dalban karo ama dhaqaalo ahaanba in uu iskagag soo rido uurka 12 week ah ..taas oo kuwa No u codaynayaa ku tilmaameen in ay ka dhigan tahay iyadoo la xalaashaday in ilmo 6 bilood uurka ku jira la dilo taasina ay ka soo horjeedo binadamnimada ama xuquuqda ilmaha aan wali dhalan,
waxa aan soo gudbin doonaa waxa ay aftidu ku danbeyso,
kalmadaha lagu qoray warqada codka lagu dhiibanayo waxa ka mida : “Provision may be made by law for the regulation of termination of pregnancies.”
