20 sano ayaa ka soo wareegtay heshiiskii 1998 ee Waqooyiga Ireland, Rajadii aan la hubin ee dhaboowday, sidee lagu heshiiyay. maxayse somalidu ka faaiidi kartaa , abdiaziz Mussa
20 sano ayaa ka soo wareegtay Rajadii aan la hubin ee dhaboowday sidee lagu heshiiyay maxaysa somalidu ka faaiidi kartaa , abdiaziz Mussa
Bishan April 2018 waxa la xusayaa 20 Guuraddii ka soo wareegtay heshiiskii loo yaqaanay jimcahii wanaagsanaa (good friday Agreement of Northern Ireland 1998) ee ka dhacay belfast 1998, kaas oo ahaa mid ay gaadheen dawladaha Ireland iyo iyo Jamhuuriyadda Ireland kaas oo la xidhiidhay dhamaan asxaabta siyaasadda ee Waqooyiga Ireland, kaas oo lagu ansixiyay afti bishii may 1998 la qaaday waa isla sanadkaasiya, heshiiska Jimacahii wanaagsanaa waxa uu ahaa mid soo ururiyay geedi socodkii dheeraa ee nabada kaas oo dhameyay rabashadahii, mudada sodanka sano ka badnaa ee rabshadaha Argagaxnimo ee waqooyiga ireland aadka u daciifiyay ee ay hogaaminayaan caqiidooiyo u tababaran hab military oo kooxo ah,
Dhinaca kale, waxa waa hoos loo dhigay darajadda xasarada ee khilaafka diineed ku salaysan, waxaana la sameyay khalad aad u weyn marka la eego halka ay sartu ka qudhantay waxaana la sheegay in rabshaduhu bilaabmeen 1970’s , inkastoo la odhan karo dagaalka toogashada tooska ah ayaa bilaabnatay xilligaa, hadaba waxa la odhan karaa khilaafku waxa uu ka bilaabmay qarniyadii 16 ilaa 17 ee loo yaqaan xeerarkii ciqaabt ee lagu ciqaabay Irish Catholic kuwaas oo booliskii england ay ku soo daabuleen Protestant English iyo scottish dhulka waqooyiga Ireland, kuwaas oo ay la socodeen dhaqankii, diintii iyo sharciyadii adkaa ee ciqaabta loo yaqaanay ee sida xun loola dhaqmay dadka Katoliga ah ee irish-ka sijniyadoodu tahay,
Ireland kama jirin ,arrimo bulsho,siyaasadeed iyo qaab-dhismeed dhaqaale, waxaan meesha laga tuuray caaqiladdii taageeri jiray amiiradda waxa kale oo meesha laga saaray lahaanshaha tiradda dadka badan ee asalkoogu irishka yahiin, waxaana hoos loo dhigay oo la jajabiyay madahabta katoliga waxaana si xooga dhulka hoosteeda loola simay lana xidhxidhay dadkii madahabtaa haystay, waxaana la soo saaray xeerar dadka katoliga ah loogu diidayo in ay yeeshaan dhulka iyo hanti, waxa loo diiday waxbarashada sare taas oo keentay dagaalo muddo dheer qaata hadaba waxa aan halkan ku eegaynaa sida ay u dhacday dhibikii mudada dheer jiray ee irishka lagu hayay mudadaasi taas oo qaybta waqooyi ee jasiiradaa ku afjarantay heshiiskii jimcahii wanaagsanaa ee 1998 ee afka igriiska loo yaqaanay,The Good Friday Agreement 1998(GFA)
Wax waliba waa Suurta gal, waxa is waydiin leh siday ku dhamaatay arrinta North Ireland, waxa cajiiba oo dhiirigalin weyn u keenay dhamaan aduunyadda gaar ahaan dadka dhexdhexaadiyaasha meelaha dunidu xasaradu ka taagan tahay arrintan dhibka weyn ka taagan tahay sida loo nabadeeyay inta badan, -xilliyaddii 1970-1980 gabi ahaan da’dii kortay xilligaa waxa lagu tilmaamay waqtigii “the Troubles.” xasaradda ama dhibaatadda, waxa la isla gartay in qolo walba ay dhib gaysatay da’daa,xilligaa jirtay , dhibaatadaas oo ay ka mid tahay ,gabood falo,qaraxyo,toogasho,Aar gudasho, dawaldda Ingriisku waxa ay abuurtay siyaasad loogu yeedho afka ingriiska “internment” taas oo macnaheedu yahay in xabsiga la dhigo cid kasta oo argagaxiso looga shakiyo oo lagu hayn karo maxakamad la,aan,waxa buurmay eedaymo waaweyn oo la isku eedayay kuwaas oo si xun la iskula dhaqmay,oo ay ku jirto, jir dilo, ,kooxda IRA waxa ay isku dayday dilal iyo shirqoola siyaasadeed oo ay ku jirtay haweenaydii raysal wasaaraha ka ahaan jirtay UK ee geeriyootay Margaret Thatcher iyo xubno ka mida wasiiradeeda, dhibaatadaas oo lagu dilay shan ka mida,dhibkaasi waa socoday ilaa 1990..waxaana dhintay 3500 ilaa 4000 inta u dhaxaysa oo qof,
hadda Rabashadahaasi waa istaageen, laakiin ma odhan karo waa la xaliyay dhibkaasi oo dhan, laakiin waxa jira in la sameyay hab siyaasadeed nabadeed oo lagu joojiyay toogashadii iyo is fahan la,aantii ku dhisnayd daganaan la,aan, gaar ahaan qof kasta oo dunida kale ku nooli waa xasuustaa dhibkii mudada dheer ka taagnaa belfast gaar ahaa 1970–1980-1990,
2.khilaafka ku dhisan caqiido ee ay ku dhasheen khilaafkaasi dhamaan kuwa hogaaminaya dhibaatadaasi waxa ay mid waliba watay calan u gaara luuqad u gaara ,taariikh u gaara,waxayana kala wateen qodobo u gaara ama ka soo horjeeda ka kale waxa uu rabo,arrintan waxa kala dhaxlay jiilal kala duwan, heshiis kasta oo arrintan laga gaadhaa waa mid ay xiisaynayaan aduunyadu,
Waqooyiga Ireland qolyaha Madahabta Protestantka ee u badan Ingriiska iyo Scotish-ka caadi ahaan waxa ay u arkaan in stateka norther Ireland uu qayn ka yaha UK oo aan marnaba laga maarmayn, halka Catholic-ga intooda badan u badan yahiin in ay ka mid yahiin Jamhuuriyadda Ireland oo jasiiradda in la kala jaro ay qalad tahay, waa koonfurtee, waana u jeedad koowaad ee IRA ay ku midaysan tahay in Ireland tahay mid, dhibaatada waqooyiga ireland kamay mid ahayn midna dawladaha UK iyo Republic of Ireland, heshiiska xariifnimadiisa waxa ka mida dadka north ireland way kala dooran karaan aqoonsiga britishka ama irishka kay doonan amaba labadaba, waxa ay ka mid ahayd heshiiskii jimcaha wanaagsan,
3.qof kasta oo ka mid ahaa dhibaatada maanta xalka waa ka mid, waa halku dhag ku meel maray nabadeynta north ireland oo ah xarago qurxoon oo soo jiidatay dadka waana ta keentay in kooxda argagixisada lagu sheego ay ka mid noqodeen xalka iyana ,
protestantka u tababaran millitry-ga ee Northern Ireland waxa ay diiden in ay fadhiistan miiska laakii waxa u matalayey wada-xaajoodka DUP halka sein fein u matalaysay IRA. laakiin Ergayga Maraykanka, ee wada xaajoodka Northern Ireland George Mitchell ayaa mar walba ku dhawaaqayey in aan marnaba rabashadaha aan lagu xidhahayn cid samaysay gabood falo ee wixii tagay ay mambnuuc yahiin in la isku sheegto oo halkaa lagu dhaafo,
4) Arrinta Hogaaminta, Hogaamiyaha dhabta ah ee Arragtida dib u heshiisiinta, ku dhiirigalinta hawshan labad dhinac siinayey iyo waliba xikmado labada dhinacba u baahnayeeyn in ay ku hawlgalaan marka ay noqoto la tacaalida is mari waaga labada dhinac waxa ay ahaayeen..labada hogaamiye ee biladda nabada aduunka qaatay ee ka kala tirsanaa Social Democratic and Labour Party, ee Nationalist-ka ah Mr John Hume oo ka soo jeeda magaaladda Derry iyo siyaasiga British ka ah kaas oo noqoday Wasiirkii koowaad ee Waqooyiga Ireland ( First Minister of Northern Ireland from 1998 to 2002), ahaana Hogaamiyaha Ulster Unionist Party (UUP) oo Unionist ah, kuwaas oo biladda nabad qaatay ka dib markii ay muujiyeen dadaal-dheerada, waxayna tani muujinaysaa in nabada oo aad hormuud ka noqotaa ay tahay mid sumcad kuu soo jiida,
5) ku lug yeelashada maraykanka ee hawshani wax weyn ayey ka tartay qaybsanaanta xalkeeda, madaxweynahii maraykanka Bill Clinton iyo senate hore George Mitchell oo ahaa ergayga gaarka ah ee Maraykanka ee Northern Ireland, waxa ay muujiyeen dadaal,ka dib markii ay labada dhinacba diideen in la wada hadlo, bill clinton waxa uu ku dhex-galay phone labada dhinaca si xal kama danbeys ah loo helo,
ma jiray dhexdhexaadiye karaya marka ay labada dhinac diidan rabitaanka asaasiga ah ee lagu samayn karo gorgortan, laakiin waxa halkaa laga faaiidaysan karaa in gudi loo saaray xaydh maraisa fudaydinta wada xaajoodka taas oo ku dhisnayd xaqiraad iyo aamin daro, sidii loo suba salaaxayey waxa ay dhalisay in mar danbe la wada xaajoodo,
6) nabadu waxa ay ka bilaabantaa dib u heshiisiin mana dhamaato, dhibaatadan waxa quudisa qalalaase sidaa awgeed dadka Reer Northern Ireland waxa ay ku guulaysteen in ay nabad ku heshiiyaan 1998 oo maanta laga joogo 20 sano,Good Friday Agreement 1998.