Xafladdo lagu xusayo Kacdoonkii Irishka ee 1916 -oo Dublin lagu qabtay Maanta

Ku Dhawaaqista Madaxbanaanida Irishka oo Post Guud ee Dublin horteeda laga Akhrinayo,

 

Madaxweyne Micheal D Higgins ayaa dhigay Ubax Post weyn ee loo yaqaan (GPO) ee ka soo horjeeda birta dheer ee city center-ka ku taala ee loo yaqaan(GPO) iyadoo lagu xusayey kacdoonkii Easterka ee 1916 ka bilaabmay Jamhuuriyadda Ireland ee Lagu helay Madaxbanaanida ay Ireland haysato

102 ayaa laga jooga maanta oo ay taariikhdu tahay 1916-2018

Madaxweyne waxa kala qayb-galay (Taoiseach) Tishooga oo somali loo yaqaan Raysal-wasaaraha Md Leo Varadkar xafladd lagu qabtay Afaafka hore ee Boosta GPO oo ku Taal street-ka O ‘Connell Street Dublin halkaas oo ahayd goobtii xarunta u ahayd kacdoonkii 1916 oo xaruna u ahayd kooxahii kacadoonka waday ,

Xubnaha difaaca xoogaga irish-ka iyo shaqsiyaad kale ayaa ka qayb-qaatay Xafladaasi oo ku bilaabantay calan sadexda midab ah oo hoos loo dhigay..

[wpdevart_youtube][/wpdevatube]rt_you

Halkan ka daawo kana dhagayso-Somali & English

Captain Michael Barry ayaa akhriyaya baaqii ku dhawaaqista irishka afaafka hore ee Boosta iyadoo la xusayo maalintaasi 1916 ee lagu dhawaaqay dawlad nimada ireland

baaq

Easter Monday oo ahayd maalin isniina 1916 Hogaamiyaha kooxda kacdoonka waday Patrick Pearse waxa uu taagnaa afaafka hore ee boosta oo uu ka akhriyaya baaqii irishka ee lagu sheeganyey in ay bilaabantay kacdoon lagaga soo horjeedo xukunkii britishka

Ka dib markii madaxweynahu ubaxa dhalaala dhigay, hal minute ayaa la aamusay waxaana ugu danbeyntii la ciyaarsiiyay biqilka

Waxa si rasmiya xafladda loogu soo gabgabeeyay kacdoonkii maalintaa afar diyaaradood oo joog hoose ku duulaya oo ay leeyahiin ciidamada hawada sare kuwaas oo sadex midab oo calanku ka kooban yahay naqas ku sii daynaya hawada,

Halkan ka daawo–English version

https://www.rte.ie/news/2018/0401/951465-easter-rising/

About The Author