Dawladda Irish-ka oo Shaacisay Goorta la qabanayo Aftida ilmo iska soo tuurista
Dawladda Jamhuuriyadda Irish-ka ayaa talaadadii 27/03/2018 Shaacisay Goorta la qabanayo Aftida ilmo iska soo tuurista oo noqonaysa Marka ay taariikhdu tahay Jimcaha 25 may 2018.
Codeeyayaashu waxa ay go,aansan doonan, haddii ay doonayaa in ay wax ka badalaan adkaynta sharciga iska soo tuurista ilmaha ama ay ayidaan sharciga hore ee uu qeexayo Dastuurka Irishku ee loo yaqaan(the Eighth Amendment of the Irish constitution ) arrintani waxa ay daba socotay ka dib markii ay pass gareyeen golaha sanatorska Irishku xeerkan,
dawladu waxa ay Ogolatay maalintii talaadadii qodobada ugu muhiimsan ee uu sharci ku noqonayo sharcinimada haddii aftidu gudubto,
Jamhuuriyadda Ireland Xilligan la joogo waxa ay u dhowdaha in ay gabi ahaanba tahay Mamnuuc ilma iska soo tuurku,
joojinta maah mid uu ogolyahay sharcigu , kiisaska kufsiga ama sinada u dhaxaysa Aabo ama inantiisa marka ay jirto Uur aan caadi ahan waxa dhacda in dumar kumanaan ahi u safraan dibadda sanad kasta si ay iskaga joojiyaan ama iskaga soo tuuran,
sharciga The eighth amendment ee Dastuurka Jamhuuriyadda ee la soo saaray 1983, waxa uu qirayaa in xuquuqda nolosha qofka aan dhalan wali, Sidaa awgeed waxa jira caqabado muhiima oo isbadal u baahan in lagu sameeyo sharciga sanadahan oo ka dhex socoday jamhuuriyadda Irishka,
Ololahan fikradani waxa ay bilaabantay markii kumanaan dad ahi isku soo baxeen 2012 Ireland oo dhan, dhimashadii gabadh u dhalatay Hindiya oo la odhan jiray Savita Halappanavar oo ku dhimatay Magaaladda Galway hospital-keega ka dib markii ay diiday in laga soo tuuro ilmo ku xumaaday caloosheeda oo aan gaadhin waqtigii loogu tala-galay in uu dhasho,