Carwaddii Ugu horaysay Ee Irishka ee 1907 oo Somalidu Door weyn ku lahayd (First Irish International Exhibition 1907) Waxa Qoray Abdiaziz Mussa
1907 Waxa Magaaladda Dublin Ee Jamhuuriyadda Ireland ka qabsoomay Carwaddii ugu horeysay ee lagu qabto Jamhuuriyadda Ireland oo markaasi ka mid ahayd Boqortooyadda Ingriiska. Waxaana ka qayb-galay Canada, France ,New Zealand iyo British Somaliland oo ka tirsanayd Maxmiyadii Ingriiska.
Hadaba carwadaasi waxa door weyn ka qaatay dad somali ah oo ka yimid British Somaliland , Taariiikhda markii ay ahayd bishii may ilaa bishii Novermebr 1907 oo ay socotay carwadaasi waxa lagu soo bandhigay alaabaha ay sameyaan dawladaha Kanada, France iyo New Zealand, Halka somalidu ay soo bandhigeen , weelka dhaqanka ee cuntada laga sameyo , Aqal Somali, oo loo dhisay qaab malcaamad quraan, waxaana goobtii somalidu aqal somaliga ka dhisatay magaaladda dublin loo bixiyay (The Somali village) goobtaas oo ku taala Magaaladda Dublin gaar ahaan Herbert Park Ballsbridge, Dublin 4-Dublin Ireland,
Qiimaha Lagu Galayey Goobta Ayaa ahayd 6d lacagta ingriiska qofka weyn, Caruurtu waxa ay ku galaysay 3d faaiidada laga helay waxa lagu qiyaasay £100, 000 sterling oo xilligaa joogay Magaaladda Dublin.
waxaan carwadaa lagu tilmaama in somalidu ay soo bandhigeen nolosha dhabta ah ee ka jirtay xilligaa british somaliland waxaanu soo jiitay kumanaan qof oo irisha oo goobta booqday laguna qiyaasay 2.75 million visitors ,
wargayska Irish Times ayaa 14 may 1907 wax ka qoray hadal ku tiritireena oo sheegayey in uu xanuun ka dilaacay goobta somalidu ku soo bandhigayeen dhaqankooga iyo weel ay goobta ku sameyaan oo halkaas laga iibsado sidaa awgeed goobtii lagu kala yaacay..laakiin dhakhtar booqday goobta ayaa baadhis uu dadka ku sameyay beeniyay in uu cudur jiro sidaa awgeed carwadii dib ayaa loogu noqoday
14 May 1907–Irish Times
Sawiradda Carwadda qaybo ka mida waxa soo daayey Church Ireland