Baaqii Madaxbanaanida Irishka Boqol-sano iyo kow (101) oo Maanta la xusay

Madaxweyne Micheal D Higgins ayaa dhigay Ubax Post weyn ee loo yaqaan (GPO) ee ka soo horjeeda birta dheer ee city center-ka ku taala ee loo yaqaan(GPO) iyadoo lagu xusayey kacdoonkii Easterka ee 1916 ka bilaabmay Jamhuuriyadda Ireland ee Lagu helay Madaxbanaanida ay Ireland haysato
Madaxweyne waxa kala qayb-galay (Taoiseach) Tishooga oo somali loo yaqaan Raysal-wasaaraha Md Enda Kenny xafladd lagu qabtay Afaafka hore ee Boosta GPO oo ku Taal street-ka O ‘Connell Street Dublin halkaas oo ahayd goobtii xarunta u ahayd kacdoonkii 1916 oo xaruna u ahayd kooxahii kacadoonka waday ,
Xubnaha difaaca xoogaga irish-ka iyo shaqsiyaad kale ayaa ka qayb-qaatay Xafladaasi oo ku bilaabantay calan sadexda midab ah oo hoos loo dhigay..
Halkan ka daawo kana dhagayso-Somali & English
Captain Michael Barry ayaa akhriyaya baaqii ku dhawaaqista irishka afaafka hore ee Boosta iyadoo la xusayo maalintaasi 1916 ee lagu dhawaaqay dawlad nimada ireland
Easter Monday oo ahayd maalin isniina 1916 Hogaamiyaha kooxda kacdoonka waday Patrick Pearse waxa uu taagnaa afaafka hore ee boosta oo uu ka akhriyaya baaqii irishka ee lagu sheeganyey in ay bilaabantay kacdoon lagaga soo horjeedo xukunkii britishka
Ka dib markii madaxweynahu ubaxa dhalaala dhigay hal minute ayaa la aamusay waxaana ugu danbeyntii la ciyaarsiiyay biqilka
Waxa si rasmiya xafladda loogu soo gabgabeeyay kacdoonkii maalintaa afar diyaaradood oo joog hoose ku duulaya oo ay leeyahiin ciidamada hawada sare kuwaas oo sadex midab oo calanku ka kooban yahay naqas ku sii daynaya hawada,