Dawladda Ireland oo Noqotay wadankii u horeyay ee Midowga Yurub ah ee qaada Talaabadii u horeysay ee ay kaga Jawaabayaan Abaarta Somalia

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Ireland
Dawladda Ireland oo Noqotay wadankii u horeyay ee Midowga Yurub ah ee qaada Talaabadii u horeysay ee ay kaga Jawaabayaan Abaarta Somalia
100 tone oo mucaanio binadanimo ah ayey Ireland maanta u Duulisay Somalia mucaawinadaas oo ka shiraaqatay Dubia UAE.. sidaa waxa yidhi wasiirka Arrimaha dibada iyo Ganacsiga Ee Ireland Mr Charles Flanagan oo saaka warkan siiyay Saxaafadda,
Dawladda Ireland waxa ay walaac ka qabtaa 6 million oo Somalia oo hadda u baahan mucaawino dagdag ah sida lagu xusay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ireland oo uu ku saxeexan yahay wasiirka Arrimaha dibadda Ee Ireland .kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay somali radio oo saldhigeedu yahay Ireland.
Wasaaraddu waxa ay tidhi waxaan ka walaacsan nahay 3 million oo qof oo wajahay xaaladd xun oo cunto yaraan ah oo dagdaga loogu baahan yahay in wax laga qabto,waa muhiim in xaaladan khatarteeda sababi karto abaar isku badasha Macluul taas oo keenta dhimasho, tani maaha wax fudud oo badi dunideenu inteeda badan aqbali karto
Waxa jira Somalia warar la mida xaaladdan taas oo u hogaamin karta abaartii ugu xumayd ee qarniga 21 dhacda sidaynu la socono 2011 sadex meelood hal million oo Somalia ayaa wajahay abaarta noocan ah, in ka badan afar meelood meel hal million oo qof waa waayeen noloshoodii (dhinteen). sidoo kale in ka badan oo kale ayaa u baahan caawimaad dagdaga ah iyadoo beesha caalamka looga baahan yahay in ay ka hor tagto masiibo sanadkan dhacda .. waxaanu qaadaynaa Talaabo aanu ku badbadinayno nolosha dadkaasi ayuu yidhi wasiirku,
4000 oo qof ayaa Macluul uga Bara kacay dalka lixdii bilood ee u danbeeyay abaartan dabada dheeratay waxay ay nolol xumo biday iyo gaajo ba,an dadkaasi , wasiirku waxa uu intaa ku daray in ay dadku iskugu imanayaan si dad-ban meelo ay dagaan. iyagoo waxba haysan ama waxa ay la soo galayaan waxa ay xambaarsan yahiin oo kaliya , inta badan waxa ay soconayaan masaafo dheer si ay u gaadhan kaamam ay rajeynayaan in ay ka helaan wax caawimo ah ,
Ireland manta waxa ay ku dhawaaqaysaa mucaawino si dagdaga ay ugu qaybiso , kuwa dagdaga ugu baahan caawintan oo gaadhaya 4000 (afarkun ) oo Bara kacayaal qoysas ah,
Maanta Ireland waxa ay u diraysaa Duulimaad qiimahiisu dhan yahay €600,000 taas oo ka imanaysa Qaybta ka jawaabista binaaadanimo ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexyasaa ku leedahay Dubai halkaaso oo Irish Aid ku meeleyeen qabinta Gargaarka dagdag ah ee loo isticmaalo binadanimadda iyo dhibaatooyinka ee ay Ireland ugu talo-gashay sida dagdag ah in ay kaga jawaabto
Gargaarkan la qaybinayo waxa ku jira Bustayaal Jiri kaano ,qalabka Cuntada lag karsado iyo kit qoysasku wax ku nadiifsadaan , Shiraacyo iyo laambado ku shaqeya cadceeda
Maanta oo Arbaca ah waxa ka dagi doona laba lowdh Mogdishu jimcahana waxa ay Haaydda Concern Worldwide u qaybin doontaa 4000 oo ah qoysaska ugu nugul ee ku bara kacay abaarta iyo macluusha ba,an ee sida ba,an u dagay meelaha dadban ee magaalooyinka muqdisho iyo baydhabo, iyadoo la sii marin doono Afgooye kuwaas oo ku xidhiidhsan Waqooyi galbeed ee Muqdisho
Bishii u danbeysay Ireland waxa ay ku dhawaaqday in €11 million oo binadanimo kula tacaasho qulqulatooyinka geeska afrika ka jira iyadoo €3 million oo ka mida ugu yaboohday Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa in somalia Arrimaha binadanimo lagula tacaalo, kuwaas oo aanu ku caawinay kuwa aanu wada shaqeynta leenahay ee bixiya badbadada nolosha iyo taageerida kuwa aadka ugu baahan iyo kuwa khatarta ugu jir abaarta ee wadanka
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiir dawlaha Arriamaha Dibadda McHugh oo intaa ku daray,
Saxariirka xaaladda Abaareed ee ka sii socota Qaybo badan oo ka mida Somalia waxa u raacday Faqiirnimo iyo roob yaraan ka jirtay labadii sano ee u danbeeyay , waa saamayntii ugu xumayd ee Aagaasi ka dhacda ,roob la,aantu waxa ay burburisay midhahii waxayna dishay xoolahii bulshooyinkana waxa ay si xooga ku gadeen ama iibiyeen dadku Hantidoodii iyo in ay amaahdaan cunto ay ku sii nooladan
Haddii ay iman waayaan Xilliyadan roobab ku bilaabo mayaan ee April ilaa june sida aynu la socono saadashu waa hoosaysaa tani waxa ay sababaysaa xaalad xun oo macluuleed waxaana halkaasi ka dhici doona Barakac ,
Xaalada gaar ahaan ee caruurtu ayaa lagu soo waramayaa in 36,000 oo somali caruura ay Qarka u Saaran yahiin Xaaladd Dhimasho, kuwa o ka yar da,da shanta sano ah , ayey si b a,an u haysa Macluuli,
Waxaan si Dagdag ah uga Codsanaynaa in la bixiyo hoyga dagdag ah iyo adeegyada asaasiga ah ee qoysasku ay la guuri karaan , Ireland iyadoo si dagdag ah uga jawaabaysa Arrintaa waxa ay u marinaysaa Haayadaha la Shaqeya ee Ay Aaminsantahay , waxayna sii wadi doontaa in ay si dhow dusha ugala socota xaaladda,
Web Editor Translated into somali Abdiaziz A Mussa -Ireland
00353834825523
Abdiaziz2@gmail.com
Dhamaad
Sources- https://www.dfa.ie/news-and-media/press-releases/press-release-archive/2017/april/ireland-airlift-humanitarian-somalia/
12 April 2017