Naxdinta Shacbiga Irishka ee Geeriddii Martin McGuinness Ku xigeenkii Koowaad Ee Wasiirka Waqooyiga Ireland,

Geeriddii Martin McGuinness   Ku xigeenkii Koowaad  Ee  Wasiirka  Waqooyiga Ireland,

Geedigii Siyaasadeed ee Cajiibka ahaa ee Lagu Xasuustu McGuiness

  • Martin McGuinness waxa uu ku Dhintay Dada 66
  • Madaxweynaha , Taoiseach Jamhuuriyadda Ireland  iyo Raysal Wasaaraha  Briton  ayaa Hogaaminayey Amaanta uu ku lahaa Waqooyiga Ireland (NI)
  • Hogaamiyaha Sinn Féin  Gerry Adams waxa uu sheegay in uu xasuustay   “Dareenkii Jamhuuriga”

martin

 

Wasiir ku xigeenkii Koowaad ee Waqooyiga Ireland  Martin McGuinness waxa uu is casilay burburkii Golaha sare ee North ireland ka dib markii ay diiday in ay is casisho  Arlene Fosters ,

 

Mr McGuinness (66)  sano jiray waxa uu dhintay subaxadii hore ee Saaka 21.03.2016 Magaaladda Derry ee Waqooyiga Ireland iyadoo ay dhinac fadhiyaan Qoyskiisu

Hogaamiyayaasha labada dhinaca ee Xadka Ireland waxa ay xuseen Raganimadii uu lahaa ninkan geeriyooday waxayna ku sifeeyeen (geedigii Cajiibka ahaa) Maalimihiisii Taliyaha IRA iyo Nashaqdayntiisii  ku xigtay ee Nabada Waqooyiga Ireland

mc

Mr Mc Guinness waxa dhowr jeer laga daweeyay xanuun xagga wadnaha ah bishii December 2016

Waxa uu is Casilay  Markii fadaxadii loogu magac daray  the so-called cash-for-ash scandal)  taas oo culays lagu saaray Hogaamiyaha   DUP leader Arlene Foster in ay is casi-sho

Mr McGuinness’s waa uu is casilay xilligaa waxaan ay taasi sababtay in doorasho laga qabanqaabiyo North Ireland taas oo wax weyn ka badashay Muuqaalka  siyaasadeed Ee Waqooyiga Ireland .

mc1

66Martin McGuinness jinaasadiisii oo ay qariyeen Ragga IRA  waxa lagu aasayaa Qubuurta Ama Xabaasha Brendan Dhinaciisa  oo lagu aasay 1988 Hogaamiyahii ama Taliyahii IRA ee loo yaqaan Brendan Hughes, si weyna Saxaafadu ugu taqaanay  “The Dark”, waxa uu ahaa Hogaamiye ciidan oo hogaamiya jabahadii ka dagaalamaysay Belfast waxaanu ahaa hogaamiyahii cuntada ka soomay isagoo akhirkii geeriyooday sanadahii 1980s

 

 

Mr McGuinness waxa uu ka soo dhex baxay xubnaha qaybta weyn ku leh Geedi socodka Nabada waqooyiga Ireland waxaanu noqoday Waji lagu aqoonsado Geediga Nabada ee Sinn Fein  ee Waqooyiga Ireland marka laga yimaad hogaamiyaha  Gerry Adams.

Mr Guinness  waxa loo magacaabay Deputy First Minister of Northern Ireland  May 8 2007, waxaana hogaaminayey   DUP leader Ian Paisley oo noqoday First Minister,  taasi waxa ay ka danbeysay Heshiiskii  St Andrews Agreement iyo doorashadii Golaha Saree e NI..

mc2

Martin McGuinness waqtiyadiisii uu joogay  Derry in 1985

June 2008  waxa dib loogu magacaabay ku xigeenka  Wasiirka koowaad  isagoo ka dhinaca shaqeyay  Peter Robinson, kaas oo badalay  Mr Paisley wasiirka koowaad First  Minister.

Mr McGuinness  Mar walba waxa lagu yaqaanay Hogaamintii IRA

In 1972,  oo dadiisu ahayd  21, waxa uu noqoday taliyaha  IRA ee magaaladda  Derry,  waxaanu jagadaa hayey ilaa waqtigii loogu magac daray   Bloody Sunday,oo ahayd waqti la dilay 14 qof oo shacbiya  ,
Sanadkii xigtay waxa waxa maxakamadi ku xukuntay danbi waxaana la xidhay ka dib eedayn  gaadhi u dhawaa oo waxyaabaha qarxaa ka buuxeen oo lagu eedayey akhirkiina waa la siidaayey

mar kale ayaa lagu xukumay danbi kale oo ah ka mid ahaanshaha Jabhada la mamnuucay ee IRA oo uu xubin ka ahaa. Waxa loo doortay baarlamanka ingriiska 1982.

Waxa uu ka tagay Xaas Magaceeda la yidhaa Bernie iyo Afar caruura

About The Author