Taariikhdda , Siyaasadda,Diinta iyo Danta Ingriiska ee Northern Ireland (qaybtii 2aad)

(Taariikhdda iyo Siyaasadda,Diinta iyo Danta Ingriiska ee Northern Ireland (qaybtii 2aad)
North Ireland waxa ay hadda ka mid tahay afrta wadan ee boqortooyadda ingriiska the (The four countries of the United Kingdom) dadka qaarna waxa ay ku qeexaan afrta gobol ee UK.
Waqooyiga ireland waxa ay dherarantahay Waqooyi bari ee Jamhuuriyadda Ireland,waxa la sameyay si sharciya oo dhul ismaamul ah 3 May 1921 iyaddoo la raacayo sharciga ay ku dhisantahay dawladnimadda dhulka xorta ah ee ireland ee la yidhaa ireland act 1920,
Sidaynu hore u soo xusnay waqooyiga ireland waxa uu ka kooban yahay 6 gobol oo maamul hoosaad leh afar gobol waxa haysta kuwa loo yaqaan unionist (OO MACNAHEEDU TAHAY Irishka doonaya in ay UK ka mid ahaadaan) laba gobol waxa haysta Irish nationalist oo macnaheedu yahay kuwa doonaya in ay ku biiraan qaybta kale ee Ireland ee jamhuuriyadda ah (republic of ireland) oo dagaalamayey 100 sano in ku dhow ingriiska maqashaana qaraxyadda iyo rasaasta kol ka dhici jirta Aagaa ama dhulka England ,
Doorashaddii 1918kii laga qabtay northern ireland waxa in yar ka sareyay kuwa UK la jira ee loo yaqaan Unionist kuwa doonaya in dhul weynaha jamhuuriyadda irishka ee la yidhaa nationalist waxyna u dhacday natiijaddii sidan Nationalist 54.6% Unionist 53.6%
Haddaba waxa isweydiintu tahay maxaa labada Irish kala qaybiyay ama kala firdhiyay??
Waxa ugu weyni waa kala qaybsanaanta caqiiqdada diinta kiristanka ( Protestant and Catholic Christians)) irish nationalist waa Catholic halka Unionist yahiin Protestant, markaa qoladda protestant marnaba ma doonayaan in ay la midooban irishka catholic ah ee republic of ireland waxyna u arkaa kuwa doonaya in ay ka dhigaan minorty sidaa awgeed waxa noo dana ayey leeyahiin midnimadda UK oo awood saayida ku siisay Northern Ireland waayo Wasiirka koowaad ee Northern Ireland waa Unionist waxaanay taageertay ka bixista midowga yurub ee UK halka Ku xigeenkeeda oo ah Nationalist uu ku baaqay in afti laga qaado northern Ireland ay kaga baxayso Uk lana midoobayso Republic of ireland,, ..
Siyaasiyan Dawladda dalka Britain oo gumaysanaysay aduunyadda inta badan iyo dhulkan irishka mar walba wax ay siyaasadeedu ahayd in ay hesho hab ay ku maamuli karto irishka waxayna kala taageertay siyaasadda ay kala wataan labada caqiido ee kiristanka northern ireland,
Haddaba maxay tahay danta Britain ka leedahay Haysashada dhulka Northern Ireland
Ingriisku waxa uu dhulka irishka u haystaa dhowr waji oo aan ku qeexayno
1. in uu ka ilaashado dhulweynaha Igriiska weerara kaga yimaada marakiibta cadowga ee Irish Sea.(dhufays)
2. in uu ilaaliyo danta dadka ingriiska ah ee lagu beeray waqooyiga ireland iyo danta kuwa la jira UK ee haysta Caqiidada Protestant-ka ee diinta kiristanka
3. in uu gorgortan xagga muhiimadda uu caalamka u leeyahay kula baayactamo dunida
Ingriisku faaiido ama Khasaaro iyama ayey ugu fadhidaa dhulkaasi
Dadka ka faalooda siyaasadda northern ireland waxa ay leeyahiin ingriisku sanad-kasta miisaaniyadda Northern ireland waxa uu ku kabaa 13 bilion oo dollar iska daa dhaqaale uu ka faaiido,
Xagga difaaca ama in uu ka ilaashado dhulka ingriiska werar kaga yimaada xagga cadowga-taasi imika meesha ayey ka baxday sida ay qortay jariiradda Irish Times waayo waxa dhamaaday cahdigii hubka yaryar waxaana meesha ka saaray Technologyadda Nuclear-ka oo fudaydisay difaaca –loomana baahna in dhulka lagu ilaaliyo habkii qadiimiga ahaa sidaa awgeed ingriisku taana uma baahna sabab uu difaac ugu haysto norther Ireland,
Haddaba waqi xaadirkan maxay doonayaan Dadka Northern ireland?
Sidaynu kor ku xusnay dadka irishka waxa loo kala qaybiyay laba nooc oo la yidhaa Majority and minorty waxaana taasi keentay in dadka protastanku ka baqaan in awoodooda qaataan irishka catholic ahi sidaana ay ku difaacaan jirtaankooga ay ku doonayaan in UK ay ka sii mid ahaadaan, waxaana imika laga daalay dagaal qaatay 100 sano waxaana 2005 IRA ku dhawaaqeen in loo badalay dagaalkii dhiigu ku daatay mid dimuqiraatiya oo siyaasadeed sidaa awgeed waxa yaratay dadk doonaya in irishku ku biiro jamhuuryadda ireland waxaana la odhan karaa 65% dadka northern ireland oo ganacsataddu hogaaminayso waxa ay doonayaan in ay la joogan UK ,
Hadaba Sidee ay dadka Irishka ah u heleen Gobonimadda ay ka heleen ingriiska taas oo ah cashar taariikhiya oo ku baraya habka ingriisku u maamulay aduunka.
Kacdoonka madaxbanaanida ireland ee Easter Risen ee ka bilaabmay Ireland 1916 oo laga joogo 100 sano waxa uu ahaa mid la doonayey in gabi ahaan lagu xoreyo dhulka ingriisku xukumayey 700 ee sano , waxaana lagu dhawaaqay jamhuuriyadd irish ah oo ay ku dhawaaqeen walaalaha jamhuurig ireland ee loo yaqaanay (IRA) irish Republic Army –
La soco—Qaybaha danbe