Northern Ireland Ama waqooyiga ireland-Barnaamij aanu ku eegayno Qadiyadda Northern Ireland

Northern Ireland Ama waqooyiga ireland waxa ay ku tahay maqaluun dad badan oo somali ah in ay ka maqlaan bbc somali waxaan ka mid ahay dadka sida tooska ah qadiyadda northern ireland class wax uga bartay soona taabta waxa ay rabaan dadka irishka ahi iyo dhulkoogaba. haddaba warbixin kooban aan ku eego Northern ireland oo ka tirsan dalweynaha UK .
Aan ku horeyo Halgamaa Caana oo Warbaahinta Haystay 30 sano ee u danbeeyay Gerry admas,
Magaca Gerry Adams Hogaamiyaha SINN FEIN (shinfayn) marka aad Maqasho waxaad Xasuusanaysaa Waqooyiga ireland(north ireland) Bbc-Somali waxa aad in badan ka maqli jirteen magaca Gerry Adams iyo geedi socodka Waqooyiga ireland, haddaba waxaan booqday Gerry Adams iyo xafiiskooga magaaladda Dublin ee Jamhuuriyadda Ireland,
Taariikh kooban isaga laftiisa intaanan u galin taariikhda north ireland maadama Siyaasadda aan wax ka bartay Northern ireland
Gerard Adams waa siyaasi irisha oo jamhuuriya waa Madaxweynaha Xisbiga Sinn fein waana xildhibaan MP ah oo ka tirsan Barlamanka Jamhuuriyadda Ireland oo laga soo doorto deegaanka Louth ee Waqooyiga Jamhuuriyada Ireland ilaa 2011 doorashaddii guud ee ka dhacaday dalka,
1983 ilaa hadda ayuu yahay hogaamiyaha Sinn fein, waa xisbiga afaraad ee ugu balaadhan Jamhuuriyadda ireland waana xisbiga labaad ee ugu balaadhan waqooyiga ireland-
1983 ilaa 1992 iyo ilaa 1997 ilaa 2011 waxa uu ahaa gerry admas xubin barlaman oo ka tirsan baarlamanka Uk
Westminster Member of Parliament (MP) oo muran ka taagan yahay MP nimadiisu isagoo laga soo doorta magaaladda belfast
galbeedkeeda
1984 ayaa si xun loogu dhaawacay gerry adamas shirqool siyaasadeysan oo nin hubaysan oo ka tirsan ururka la yidhaa
Ulster Defence Association (UDA) oo uu ku jiro siyaasiga la yidhaa John gregg waqooyiga ireland taas oo sii kicisay halgankii
dadka irishku ugu jireen in ay iska xoreyaan gumaysiga boqortooyada ingriiska,intaa wixii ka danbeyay Gerry adamas waxa uu
noqoday ninka ugu muhiimsan geedi-socodka nabada ee waqooyiga ireland
2005 waxa dhamaada dagaalkii ay wadeen jabhadii Irish Republican Army (IRA)waxayna sheegeen in ay ku badaleen halgankii hab
democratic politics ah, (hab siyaasadeed dimuqiraadiya)…
la soco…………
la soco-qaybta danbe