Waa kuma raysal Wasaaraha Ireland Endy Kenny ?.

EndaKenny2007FineGael Waa kuma  raysal Wasaaraha  Ireland   Endy Kenny ?.

Endy Kenny Waa siyaasi rug cadaaya oo dhashay 24 April 1951 waa hogaamiyaha xisbiga Fine Gael oo ilaa 2002 ilaa Hadda haya jagadda Gudoomiyaha Xisbiga,
waxa uu Noqoday Raysal wasaare ama Taoiseach jamhuuriyadda Ireland – Markii xisbigiisu kuraasta Aqlabiyadda Baarlamanka ku guulaystay 2011—waa markii labaad
oo is xigta oo uu ku guulaysto Doorashadda madaxtinimadda Jamhuuriyadda Ireland, Laba Jeer ayuu noqoday Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga European People’s Party
waxaanu mar noqoday Wasiirka Dalxiiska iyo ganacsiga 1994 ilaa 1997,

Kenny waxa uu soo noqoday Xubin barlaman (TD) magaaladda Mayo ilaa 1975 waxaanu ka dhaxlay Aabahii henry kenny waana ninka ugu mudada dheer ee hadda jooga baarlamanka Doorashaddii guud ee jamhuuriyadda ireland ka dhacday 9 march 2011 ayuu isbahaysi la samaystay xisbiga Labour Party
waxaanu noqoday raysal wasaare ,..mar kale 6, may, 2016 wadaxaajood heshiis oo uu la galay xisbiga Fianna Fáil waxa uu soo dhisay minority government, waxaanu noqoday Raysal wasaarahii
ugu horeyay ee laba jeer oo isku xigta qabta jagadaasi oo ka soo baxay xisbiga fine gael ,

Kenny waxa ay ku tilmaantay Xaaskiis Fionnuala O kelly oo la hadlaysay Warbaahinta (best Asset) hantida ugu fiican) sidoo kale in uu u yahay “secret weapon”, kenny waxa uu dhalay sadex caruura inan iyo laba hablood –waxa ay isku barteen kenny xaaskiisa Guriga Baarlamanka Leinster House oo ay ka ahayd sarkaala Saxaafadda u qaabilsan xisbigga ay iska soo horjeedan ee Fianna Fáil-ka dibna waxa ay shaqo ka heshay TV-ga afka Irishka ku baxa ee Raidió Teilifís Éireann

About The Author