North Ireland Wasiirka Koowaad Ku Xigeenkiisa Martin McGuinness oo ku baaqay Afti lagag Baxo UK ,Halka Wasiirka koowaad Taageertay Ka bixista Midowga Yurub,

Wasiirka koowaad ee waqooyiga Ireland ee Uk Mrs Arlene Foster oo taageersanayd in laga baxo Midowga Yurub ayaa sheegtay in Uk ay ka xoog badnaan doonto sida ay imika tahay , waxayna shaaca ka qaaday in wada haajood ka samayn doonto isu socodka labada ireland taas oo aan rumaysnahay in aanay waxba u dhimi doonin ka bixista Uk ee Midowga Yurub , waxa kale oo ay ka hadashay ku dhawaaqistii Sinn Fein ee ah in afti laga qaado north ireland in ay ka baxdo UK ee uu shaaciyay Ku Xigeenkeed Martin McGuinness oo ku baaqay Afti lagag Baxo UK, waxa ay tidhi wax laga baqo ma jiraan waxaanu nahay ayey tidhi mar kasta kuwa ka shaqeynaya danta north ireland iyo ta UK ,
Wasiirka koowaad ee waqooyiga Ireland ku xigeenkiisa Martin McGuinness oo ku baaqay Afti lagag Baxo UK ayaa sheegay in aan marnaba la aqabli karin in xadka ireland loo sameeyo mid kala gooya koonfurta iyo waqooyiga sidaa awgeed ay dalbanayaan afti ku aadan Arrintaasi,